Wararka laga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay toogasho ku dileen askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya,
Falka dilka ah ayaa ka dhacay Isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho, waxaana nin bistoolad ku hubeysan uu rasaas ku furay Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo markas ku jiray Maqaayad Shaaha laga cabo, waxaana goobtii ku geeriyooday askariga oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Muuse.
Wararka ayaa sheegaya in dableyda dilka geystay iyo mid kale oo loo maleynayo inuu la socday ay rasas ku fureen ciidamada dowladda, iyadoo la dhaawacayn ninkii dilka geystay, sida ay sheegeen dadka goobta ku sugnaa, balse waxaa u suuragasahy inuu isagoo dhaawac ah baxsado.