Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidamada Nabadsugidda ee ka howlgala Gobolka Sh/Hoose.
Sarkaalka la dilay ayaa ahaa taliye ku xigeenkii Nabadsugidda ee gobolka Shabeellada Hoose, gaar agaan degmada Qoryooley, waxaana dabley loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Alshabaab ay ku dileen agagaarka Isgoyska Taleex ee degmada Hodan, iyagoo goobta ka baxsaday markii ay khaarijiyeen.
Sarkaalkan ayaa magaciisa lagu sheegay Dhaayow Cusmaan Aadan, waxayna wararku sheegeen inuu muddooyinkii danbe ku sugnaa magaalada Muqdisho.
Taliye Dhaayow ayaa tirsanaan jiray Maxkamadihii Islaamiga ee Koonfurta Soomaaliya ka kacay sanadihii 2006 iyo 2007, isagoo hadda hayey xilka taliye ku xigeenka hay’adda Nabadsugidda ee degmada Qoryooley.
Dilkan ayaa imaanaya iyadoo hay’adaha dowladda Soomaaliya ay dhaaciyeen in meesha laga saaray shabakadii Alshabaab ee dilalka ka geysan jirtay magaalada Muqdisho.