Monday, July 14, 2025

Dil khaarijin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Weerar dil ah ayaa goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dilkan uu ka dhacay Isgoyska Bakaaraha, iyadoo koox hubeysan ay toogteen askari ka tirsanaa ciidamada dowladda.

Askariga oo la socday gaari kuwa dadweynaha ee BL-ka ah ayaa la sheegay in laba nin oo hubeysan ay toogteen, kadibna ay ka qaateen qorigii uu heystay, kadibna baxsadeen.

Dad shacab ah oo la socday gaariga uu saarnaa askariga ayaa xaalad adag kasoo wajahday weerarkaasi, iyadoo halkaasi lagu kala carraray markii falka dilka ah uu dhacay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON