Wednesday, July 16, 2025

Dil khaarijin ah oo ka dhacay Muqdisho & Ciidamada Ammaanka oo qabtay Raggii ka danbeeyay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dabley bistoolad ku hubeysan uu qof shacab ah ku dilay Xaafadda Tarabuunka, degmada Hodan ee Gobalka Banaadir.

Qofka la dilay ayaa la sheegay inuu ahaa shacab, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga helin, waxaana goobta gaaray ciidamada ammaanka oo howlgal baaritaan ah ka sameeyay.

Taliyaha Booliska ee Saldhigga degmada Hodan ayaa xaqiijiyay dilka maanta ka dhacay agaagarka Isgoyska Trebuunka, wuxuuna caddeeyay in la soo qabtay ragii dilka geystay, wuxuuna ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeraad ah bixiyo, isagoo sheegay inuu baaritaan socdo.

Xaafadda tarabuunka ayaa ka mida meelaha ugu badan ee dilalka qorsheysan ay ka dhacaan magaalada Muqdisho, isla markaana lagu weerarro saraakiisha dowladda iyo dadka shacabka ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON