Friday, June 27, 2025

Dil naxdin leh oo ka dhacay duleedka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

Wararka aan ka heleyno degaanka Baar ee duleedka Magaalada Beledweyne, Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dil fool xun halkaasi ka dhacay.

Degaanka Baar oo qiyaastii 30km u jira magaalada Beledweyne ayaa la sheegayaa in lagu dilay laba haween iyo laba caruur ah, iyadoo sidoo kale la gubay gurigoodii sida ay sheegeen dadka deegaankaasi.

Dilka naxdinta leh ayaa la sheegay inuu salka ku hayo  aanooyin qabiil oo laba beelood u dhaxeeya degaankaasi, iyadoo dhowaan isla degaankaasi ay ka dhaceen dagaalo u dhaxeeya laba maleeshiyaad beeleed oo deris ah.

Gobolka Hiiraan ayaa dagaalo beeleed ka oogan yihiin muddo dheer iyadoo aan xal kama dambeys ah loo helin.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON