Maxkamadda G/Banaadir ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqday xukunka eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo xaaskiisii Marxuumad Luul Cabdicasiis ku gubay Gurigii ay deganayeen ee degmada Dharkeynley magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Dabbaan ayaa akhriyay go’aanka ay maxkamadda ka gaartay kiiskan oo ahaa mid culus oo si weyn loo hadal hayey, wuxuuna ku dhawaaqay inay maxkamaddu ku heshay Sayid Cali Macallin denbiyadii lagu soo eedeeyay.
Eedeysanaha ayaa lagu xukumay Dil toogasho ah oo ah qisaasta xaaskiisii Luul C/casiis oo u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray Dabkii uu sababtiisa lahaa Sayid Cali Macallin oo 24 sano jir ahaa.
Meydka Marxuumad Luul C/casiis ayaa weli ku jira Qaboojiyaha Isbitaalka Digfeer, iyadoo qoyskeeda ay sheegeen inaan lala aasi doono ninka gubay.
Qareenka udoodaya dembiilaha ayaa shaaciyay in xukunka Maxkamadda Gobolka Banaadir ay rafcaan ka qaateen xukunka dilka ah, isla markaana qodob ka mida eedihii xeer ilaalinta meesha laga saaray.