Wararka laga helayo magaalada Muqdisho aya sheegaya in dabley ka tirsan Alshabaab ay falal dil ah ka fulisay magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.
Weerar ay fuliyeen dableyd bistoolado ku hubeysan ayaa ka dhacay xaafadda Gaheyr ee degmada Hodon, iyadoo lagu dilay sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa ciidmaada dowladda oo magaciisa lagu sheegay Maxamed, waxaana baxsaday dableyda dilka geysatay.
Dhinaca kale dableyda Alshabaab ayaa dil ka geysatay degmada Afgooye, waxaana Alshabaab ay sheegtay inay toogasho ku dishay sarkaal sedax xiddigle ahaa oo ka tirsanaa ciidamada dowladda.