Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askari ka tirsan Ciidamada dowladda hoose ee Minishiibiyada uu si bareer cad toogasho ugu dilay Muqdisho.
Dailkan ayaa ka dhacay degmada Shangaani, waxaana la sheegay inuu ka danbeeyay kadib muran dhinaca canshuurta ah oo dhex maray darawalka Bajaajta watay, tasoo keentay inuu askarigu rasaas ku furo, taasoo madaxa ka haleeshay darawalka, waxaana dhaawaciisa la geeyay isbitaalka Daaru shifa halkaasoo uu ku geeriyooday.
Ciidamada Booliska ee saldhigga degmada Shangaani ayaa gacanta ku dhigay Askariga dilka heystay iyo nin kale oo la socday, waxaana laga qaaday Bastooladii uu dilka ku geytay.
Dhinaca kale koox hubeysan ayaa duhurnimadii maanta ku dilay suuqa Bakaaraha askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Falka dilka Askariga ayaa waxaa geystay koox dhalinyaro ah oo ku hubeysneyd Bistoolado, kuwaasoo goobta ka baxsaday intii aysan halkaasi soo gaarin Ciidamada Dowladda Federaalka.