Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde maanta lagu xanibay diyaarad siday xubno uu ka mid ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayna ka mid ahaayeen qaar ka mida wasiirada cusub ee Galmudug.
Diyaaradda ayaa la sheegay inuu xayiray Taliyaha NISA ee Garoonka Muqdisho, taasoo keenay in muddo saacad ku dhow ay Garoonka Muqdisho ku xayiranto diyaaradda oo xubnaha la socday ay ka mid ahaayeen Wasiiradda cusub ee Amniga iyo Qorsheynta Galmudug, waxaana markii danbe loo ogolaaday Socdaalkeeda ay ugu sii jeeday magaalada Dhuusamareeb.
Diyaaradaha u kala gooshaya gudaha dalka ayaa waxaa saaran xayiraan ka dhalatay amarradii dowladda ee Cudurka Coronavirus, waxaa ogolaashaha diyaaraaha siiya Hay’adda Socdaalka, iyadoo aan la ogeyn howlaha amni ee soo galay diyaaraddan oo fasax hore loo siiyey.