Thursday, September 24, 2020
More

    Diyaaradaha Drone-ka Mareykanka iyo Iiraan oo ku sigtay inay ku dagaalamaan hawada Marinka Hormuz

    Ciidamada Milateriga Iiraan ayaa dhoolatus milateri ka bilaabay Badda Cumaan iyo qeyb ka mida Badweynta India, kaasoo soconaya saddex maalmood, waxaana ka qeyb galaya kumnaan ciidamada Badda, cirka iyo dhulka ah.

    Dhoolatuska Iiraan oo awood muujin ah ayaa loo bixiyey Zulfaqaar 99, waxaana ciidamada dalkaasi kusoo bandhigeen awoodeeda iyo hubka ugu danbeeya ee Iiraan sameysatay, balse waxaa qarka loo saarmay inay isku dhacaan diyaaradaha is-wada ee Iiraan iyo kuwa Mareykanka.

    Ad

    Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in Diyaaradha Drone-ka wax basaasa ee Mareykankan ay u so dhowaadeen Xuduudka Badda Cumaan ee dhinaca Iiraan, kadibna digniin badan oo loo diray aysan ku hakan, taasoo khasab ka dhigtay in diyaaradaha Drone-ka Iiraan loo diro, kuwaasoo ka hortegay oo hor qabateeyay diyaaradihii Mareykanka, dibna u celiyey.

    Diyaaradaha Drone-ka Mareykanka ee Iiraan ay ka hor geysay diyaaradaheeda Is-wada ee Dron-ka ayaa ahaa noocyada diyaarad B-8 ah iyo laba diyaarad oo nooca MQ-9 iyo RQ-4 ah, waxaana al ogyahay in Iiraan ay hore usoo riday diyaaradda RQ-4 ee Mareykanku leeyahay bishii June 2019.

    RQ-4 2020 rotation of operation in Japan
    The U.S. craft were identified as a P-8 airplane, an MQ-9 drone, and an RQ-4 drone.
    A handout picture provided by Iran's military shows a Nasr missile being fired from a navy warship during a military exercise.
    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    147,592FansLike
    1,974FollowersFollow
    5,621FollowersFollow
    147,592FansLike
    1,974FollowersFollow
    5,621FollowersFollow

    TOP NEWS

    Qoyska Marxuumad Xamdi oo Digniin Culus soo saaray & Baareyaashii Kiiska oo isbedel lagu sameeyay

    Ehelada Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo Muqdisho lagu kufsaday, laguna dilay waxay sheegeen in mas'uuliyiin sare faragelin ku hayaan Kiiska, lana bedelay...

    Maxamed Xuseen Rooble: Ra’iisal Wasaare Afar Biloodle ah iyo 8-da Shaqo ee uu isu diray (Akhriso)

    Ra'iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Roobe oo maanta 23-ka September codka kalsoonida ka helay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu taariikhda ku...

    Golaha Shacabka oo Cod Aqbaliyad ah kalsooni ku siiyey Ra’iisal wasaare Rooble

    Codka Kalsoonida ayaa loo qaaday Ra'iisa lwasaare Rooble, waxayna natiijadii noqotay in Aqlabiyad lagu meel mariyo

    Madaxweyne Farmaajo: “Maxamed Xuseen Rooble waa Nin aan ku aamni karo xilka Ra’iisal wasaaraha..”

    Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ka codsaday inay codka kalsoonida siiyaan Ra'iisal wasarha uu soo magacaabay ee Maxamed Xuseen Rooble.

    Xaalad ka taagan Khudbadda Baarlamaanka ee Madaxweyne Farmaajo & Kalsooni siinta Ra’iisal wasaare Rooble

    Xildhibannada Golaha shacabka ayaa maanta kulan gaara oo ku saabsan Kalsooni-siinta Ra'iisal wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble, laakiin waxaa wehliya khudbad uu...

    Xildhibaan uga digay Madaxweyne Farmaajo inuu Baarlamaanka kala hadlo Heshiiskii Doorashada

    "Haddii uu isku dayo Madaxweynaha inuu Sharciga Doorashada Keeno Baarlamaanka Firimbi iska dhaafe Durbaanno ayaa ku yeerinaynaa.."

    Axmed Madoobe: “Hawiyow aad u dhageysta, Muqdisho waa caasimadda Somaalida, Dadkana kama xigtaan..”

    Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay maqaamka caasimadda Muqdisho iyo aragtida uu ka qabo; isagoo sheegay inay tahay casimadii Soomaaliya...

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!