Thursday, July 3, 2025

Wararkii ugu danbeeyay ee Shirka Muqdisho & Mareykanka oo Farriin culus soo gaarsiiyey Madaxda Dowl…

Waxaa markii saddexaad dib u dhac kooban ku yimid shirkii Wadatashiga Arrimaha Doorashooyinka ee dhammeystirka Heshiiskii Doorashada ee Dhuusamareeb 3, oo lagu waday inuu maanta ka furmo Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa Muqdisho siyaabo kala duwan u tegay madaxweynayaasha Galmudug iyo Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo Nairobi gaaray iyo Axmed Maxamed Islaam oo Kismaayo ku laabtay, waxaana lagu wadaa inay galabta ama Berri kusoo laabtaan Muqdisho, laakiin waxaa shirar kala gaara u socdaan madaxda ku sugan Muqdisho qaarkood.

Dhinaca kale safaaradda Mareykanka ayaa weli wada shirar xasaasi ah oo ay si kala gaara ah ula yeelaneyso Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada dalka, waxaana saacadihii ugu danbeeyay safiirka Mareykanka ee Muqdisho Donald Yamamoto la kulmay madaxweynayaasha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Galmudug Axmed Cabdi Kaariye.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay is dhaafsadeen arrimaha danta guud, iyadoo Mareykanku ku dhiirigelinayo madaxda Soomaalida inay gaaraan heshiis guud oo laga gaaro Doorashada, ayna la yimaadaan hoggaan Soomaali lagu badbaadin karo.

Farriinta Mareykanka ayaa ahayd mid culus oo madaxda dowladda iyo Maamul Goboleedyada ku cadaadineysa inuusan jirin waqti kale oo la lumiyo ayna u daneeyaan xasiloonida dalka iyo xaalada Amniga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON