Sunday, June 22, 2025

Diyaaradaha Helikobtarka Ciidamada Somaliya oo ka qeyb galay Xuska 1-da Luulyo (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho si weyn looga xusay sanadguurada 64-aad ee Xoriyadii Gobollada Koonfurta Soomaaliya iyo Midowgii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

Xuska oo soo bilowday Xalay saqdii dhexe ayaa saaka mar kale waxaa loo sameeyay dhoolatus ciidan, iyadoo ay ka qeyb galeen madaxda dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhoolatus ayaa ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaas maray qeybaha kala duwan ee ciidamada Xoogga Dalka, degmooyinka iyo hay’adaha dowladda.

Ad

Waxaa sidoo kale dabaaldega 1-da Luulyo ka qeyb qaatay laba diyaaradood oo nooca Helkobtarka ah oo ay leeyihiin ciidamada milateriga Soomaaliya, waxayna waraaqo ka hadlaya xuska 1-da Luulyo ku daadiyeen magaalada.

Labadan diyaaradood ayaan ahayn diyaarado dagaal sida warbaahinta u dhigtay, balse waa diyaarado ay dowladda Soomaaliya soo iibsatay, sida uu July sanadkii hore 2023 xaqiijiyay la-taliyaha Amniga Madaxweynaha Soomaaliya, waa diyaaro qumaati u kaca oo caadi ah, looguna talogalay gurmadka iyo daabulka, inkastoo la saari karo hub.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON