Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa jawaabtii ugu horeysay ka bixiyey weerar la sheegay inuu Mareykanku ku qaadi lahaa Iiraan oo daqiiqadihii ugu danbeeyay uu joojiyey.
Qoraallo is dabajoog ah oo uu dhigay bartiisa twitter ayuu Trump ku caddeeyay wixii dhacay xalay kadib markii ay Iiraan soo riday diyaarad Drone ah oo ah nooca wax basaasa, wuxuuna sheegay in ay go’aansadeen jawaab ka bixiyaan tallaabada Iiraan oo saddex bartilmaameed la weerari lahaa.
“Markii ay weydiiyay imisa qof ayaa ku dhimaneysa howlgalka, wuxuu jeneraalka iigu jawaaay 150 qof mudane,. 10 daqiiqo ka hor duqeynta ayaan joojiyey.. ma ahayn jawaab ku haboon diyaarad aan cidna la socon. Anigu ma degdegsani, ciidamadeena waa diyaar garoobayaan, waxayna diyaar u yihiin inay tallaabo qaadaan..” ayuu qoraalkiisa ku yiri Madaxweyne Trump.
Trump ayaa weerar ku qaaday wargeyska New York Times oo warkan qoray, isagoo ku eedeeyay inuu olole ka dhan ah isaga muddo dheer ku howlahaa, laakiin qoraalka Madaxweyne Trump ayaa u muuqday mid uu isku difaacayey markii lagu tilmaamay inuu awoodi waayey jawaab uu siiyo Iiraan.
On Monday they shot down an unmanned drone flying in International Waters. We were cocked & loaded to retaliate last night on 3 different sights when I asked, how many will die. 150 people, sir, was the answer from a General. 10 minutes before the strike I stopped it, not proportionate to shooting down an unmanned drone. I am in no hurry, our Military is rebuilt, new, and ready to go, by far the best in the world. Sanctions are biting & more added last night. Iran can NEVER have Nuclear Weapons, not against the USA, and not against the WORLD!