Xeer ilaalinta degaanka Manhattan ee Gobolka New Yorkl ayaa isku raacay in Dacwad lagu soo oogo Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, iyadoo loo heysto eedeymo la xiriira lacago uu bixiyay intii lagu guda jiray ololihii doorashada 2016.
Lacagahan ayuu Trump u bixiyay si loo aamusiyo Haweeney Jirkeeda ka ganacsata oo sheegatay inuu xiriir galmo oo ka baxsan guur dhex maray Donald Trump, kaasoo ah kiiskii ugu horreeyay ee dambi ah oo ka dhan ah madaxweynihii hore ee Mareykanka.
Eedeynta loo jeediyay Trump ayaa waxa xaqiijiyay Joe Tacopina, oo ah qareenka Trump, iyadoo hore Trump u sheegay in la qorsheynayo in la xiro, iyadoo muddo dheer ay socdeen baaritaannada lagu hayo ganacsigiisa, siyaasadeed iyo macaamilkiisa gaarka ah.
Toddobaadkii ka horreeyay eedeymaha, Trump wuxuu ku dhaleeceeyay baaritaanka baraha bulshada wuxuuna ku boorriyay taageerayaasha inay u mudaaharaadan magaciisa, taasoo keentay in la adkeeyo ammaanka agagaarka Xarunta Manhattan.
Qareenka degmada Atlanta ayaa muddo labo sano ah baaris ku waday dadaallada Trump iyo xulafadiisa ay ku doonayaan inay ku farageliyaan tirinta codadka Georgia ee 2020. Waxaana qareenka gaarka ah ee waaxda cadaaladda ee Mareykanka uu baarayo keydka Trump ee dukumiintiyada sirta ah gurigiisa Mar-a-Lago ee Florida iyo dadaalka uu u galay inuu wax ka bedelo guuldarradii doorashada.
