Madaxweyne Donald Trump ayaa isku tilmaamay in uu yahay Cabqari deggan isaga oo si caro leh uga jawaabay buugga laga qorey.
Buuga ayaa dhaliilaha madaxwaynaha loo soo jeediyay waxaa ka mid ah in uusan ka adkayn shaqada loo igmadey ee xilka madaxweynaha dalka mareykanka. Madaxwayne Trump ayaa bartiisa Tweetarka ku soo qoray in labada arrin ee uu ku sifeysan yahaay ay yihiin in maskax ahaan uu deggan yahay islamarkana uu fariid yahay.
Madaxwayne Trump ayaa sheegay in uu guulo ka gaaray dhanka ganacsiga isla markana uu ahaa xidig dhanka telefishanada ah. “Nolosheyda oo dhan labada shey ee ugu muhiimsan waxay ahaayeen maskax degan iyo xariifnimo.. waxaan guul weyn ka gaaray ganacsiga, waxaana ahaa xiddig TV-yada caan ka ah..” ayuu fariintiisa ku yiri Trump.
….Actually, throughout my life, my two greatest assets have been mental stability and being, like, really smart. Crooked Hillary Clinton also played these cards very hard and, as everyone knows, went down in flames. I went from VERY successful businessman, to top T.V. Star…..
— Donald J. Trump (@realDonaldTrump) January 6, 2018
Qoraaga buugga Michael Wolff ayaa sheegay in buugiisu aakhirka sabab u noqon doono in xilka uu waayo madaxweyne Trump. ma lagu qaado mooshin xil ka qaadis ah.
Qoraallo uu bartiisa Twitter soo dhigay ayuu ku adkaystay Mr trump in deganaanshiyo maskaxeed ay tahay hantida ugu muhiimsan ee uu haysto.