Madaxweynaha Mareykanka ayaa jug kale kasoo wajahday wareegtadiisii labaad ee joojinta dadka kasoo jeeda lix dal oo muslim ah inay tagaan Mareykanka.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii garsooraha federaalka ee gobolka Hawaii uu joojiyay mamnuucidda uu madaxweyne Trump saaray dadka ka yimaada 6 dal oo Muslim ah, Soomaaliyana ay ku jirto.
Amarka Trump oo dhaqangeli lahaa kadib saqda dhexe ee xilliga Washington ayaa dacwad lidi ku aha waxaa ku furay 7 gobol oo ay ka mid yihiin: Washington, New York, Minnesota, Oregon, Massachusetts, Maryland iyo Hawaii.
Amarka Garsooraha Federaal ee lagu joojiyay dhaqangalka wareegtii labaad ee madaxweyne Trump ayaa weji gabax kale ku keenaya qorsheyaasha madaxweynaha cusub ee Mareykanka ku doonayo inuu ku xakameeyo dadka taga Mareykanka.
Go’aankan oo hore xaakim kale u joojiyay ayaa dib loo bedelay oo laga reebay dalka Ciraaq, waxaana uu dhigaya in muddo 90 cisho ah aan Visa la siin karin muwaadhiniinta dalalka kala ah: Soomaaliya, Suuriya, Liibiya, Sudan, Yemen iyo Iran. Waxa uu sidoo kale muddo 120 cisho ah mamnuucayaa dhammaan qaxootiga.
Madaxweyne Trump ayaa ku adkeystay inuu sii wadi doono dhaqan gelinta wareegtadiisa uuna sharci ahaan dagaalami doono ilaa maxkamadda sare ee dalkaasi.
Wakaalado