Kulan ay lahaayeen madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo madaxda xisbiga dimoqraadiga ayaa lagu kala tegay oo fashilmay, kadib markii labada dhinac ay is mari waayeen.
Kulanka oo uu madaxweyne Trump ku baaqay ayaa looga hadli lahaa dib u furista howlaha dowladda federaalka Mareykanka oo qeyb ahaa xiran toddobaadkii 3aad, kadib markii madaxweynaha Mareykanka uu dalbaday lacag uu ku dhiso Derbiga kala qeybiy xuduudka Mexico iyo Mareykanka oo ay ku baxeyso lacag than 5.6 Bilyan oo dollar, taasoo ay diidan yihiin xisbiga dimoqraadiga.
Kulanka caawa ayaa la sheegay in madaxweyne Trump uu dalbaday isla markii uu furmay inay dimoqraadiyiinta ogolaadaan lacagta derbiga, laakiin waxaa diiday hoggaaminaya aqbaliyadda Koongareeska Mareykanka Nancy Pelosi, taasoo keentay inuu Trump isagoo careysan Miiska u garaaco, shirkiina isaga baxo.
Farriin uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu Trump ku sheegay in shirka uu ahaa ‘Waqti lumis’ sidaasina uu shirka uga tugay, waxaana sidoo kale saxaafadda la halay madaxweyne ku xigeenka Mareykanka oo sheegay inuu shirka isaga baxay Trump markii ay dimoqraadiyiintu diideen inay ogolaadeen lacagta lagu dhisayo Derbiga Mexico.