Thursday, June 26, 2025

Dood ka dhalatay kulan Wasiir Jaamac la yeeshay Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga

Dood culus iyo fal-celin xoog leh ayaa ka dhalatay kulan  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan uu maanta la yeeshay  Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Kulankan oo aan wax faahfaahin ah laga bixin ayaa marka hore waxaa sawirrada soo dhigay Wasiir Jaamac, iyadoo markii danbe ay kulanka baahisay Madaxtooyada Turkiga, wuxuun ahaa kulan  ay albaabadu u xiran yihiin.

Wasiir Jaamac oo isna qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa Madaxweyne Erdogan uga mahad-celiyay qaabiladda iyo soo dhaweyntiisa wanaagsan, sidoo kale Madaxtooyada Turkiga ayaa baahisay in Madaxweyne Erdogan la kulmay wasiirka Gaadiidka Badda ee Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiir Jaamac oo ku sugan Turkiga ayaa hore ula kulmay Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan; waxaana lagu tilmaamaa wasiir ku hadla afka Turkiga oo ay si weyn u aaminsan yihiin madaxda dalkaasi.

Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur ayaa qarxiyay wejib gabax diblomaasiyadeed oo wasiirka arrimaha Soomaaliya C/salaan Dhaay ku qabsaday dalka Turkiga, kadib markii isagoo sugaya kulam oo la yeesho madaxda dalkaasi, iyadoo aan loo jawaabin lagu dul qaabilay wasiir Jaamac.

“Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa dalbaday in uu dhiggiisa Turkiga la kulmo, isagoo Ankara ku sugan oo weli sugaya ayaa Wasiirkii Arrimaha Dibadda iyo Madaxweynihii Turkiga ku dul-qaabileen wasiir kale, iyadoo aysan safaaradu la socon” ayuu baraha bulshada soo dhigay C/raxmaan C/shakuur oo sii daba dhigay: “Haddii aysan jirin tabar lagu diido xadgudubka gobonnimo iyo maamuuska dowladeed, si wejigabaxa looga baxsado, sow ma habboona in isaga Wasiirka Arrimaha Dibadda laga dhigo”.

Dhinaca kale ilo ku dhow Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Wasiir C/salaam Dhaay uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho, isagoo maalmo ka horna uu kasoo laabtey Ankara, halkaasoo uu uga qeybgalay shirweyihii ururka Islaamka ee OIC, iygoo beeniyay warka uu faafiyey C/raxmaan C/shakuur.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON