Doodii ugu horeysay ee Madasha Aragti Wadaagga ee dhex martay saddexda Madaxweyne ee maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug.
Su’aal muhiim ah oo la weydiiyay Madaxweynayaasha ayaa ahayd sida ay u arkaan in magaca madaxweynaha laga bedelo madaxda mammut Goboleedyada, loona helo magac kale iyo in dowlad Goboleedyada aysan xubin ka noqon ee ay noqdaan maamul Goboleedyo dhisay dowladda; waxayna jawaabtii noqotay sida soo socota:
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ku jawaabay: “Maya, kama tanaasulayno Madaxweyne iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlad Gobaleedyada, taasina waxaa ku cad inay isaga bixi kartaa Dowladda Federalka haddii ay doonto”.
Mowqifka Madaxweyne Deni ayaa ahaa mid cad, isagoo marar badan ku celceliyay in Puntland tashan doonto oo aysan cidna u fadhin donin, haddii xaaladda Soomaaliya ay sii cakirnaato, waxayna arrintan si weyn u iftiimisay mowqifka Puntland ka taagan tahay Federaalka iyo sida ay u dooneyso inay ugu adkeysato
Madaxweynaha Galmudug Axmed QoorQoor ayaa isagu jawaabtiisa noqotay inuu qabo in wax laga bedelo Dowlad iyo Madaxwayne, ayna wax u dhimeyso hay’badda dalka, wuxuuna soo jeediyey in la helo magacyo kale, isagoo tusaale u soo qaatay in mar uu dibadda u safray dalkii uu ku socday u qaateen inuu yahay madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isagu ka gaabsaday jawaabaha labada su’aal wuxuuna sheegay inay ku xiran tahay Dastuurka iyo nooca Federalka ee la qaadanayo.
