Friday, July 11, 2025

Doorashada Senatootada Aqalka Sare ee Hirshabeelle oo maanta ka bilaabaneysa Jowhar

Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare  ee maamulka cusub ee Hirshabeelle ayaa maanta ka bilaabaneysa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Sheekh  Cusmaan Barre ayaa shaaciyay in cod bixinta Doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ay bilaaban doonto Maanta Duhurnimada.

Wuxuu ugu baaqay xildhibaanada  Hirshabeelle inay soo xaadiraan oo xilkooda gutaan, iyadoo  maamulka Hirshabeelle uu yahay maamulka ugu dambeeya  ee dooranaya xildhibaanada Aqalka Sare xilli ay maamulada kale bilaabeen doorashada aqalka hoose.

Ilaa 20 musharax ayaa u taagan Aqalka Sare ee deegaanada maamulka Hirshabeelle u meteli doona dowladda Soomaaliya, iyadoo intooda badan ay musharixiinta la sii ogyahay inay guuleysan doonaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON