Kursi ka mida kuraastii Baarlamaanka ee ku celinta ahaa magaalada Kismaayo ayaa xaalad is daba marin ah ku soo dhamaaday kadib markii doorasho awood loo adeegsaday ay ka dhacday.
Kursiga oo ahaa kii beesha Doqondiide/Gaaljecel oo tixraaciisu yahay HW/0094/JL/ ayaa ka mid ahaa 5tii kursi ee Guddiga Madaxa Banaan ee Xallinta Khilaafaadka uu amray in dib loogu tartamo.
Doorasho 2dii February 2017 magaalada Kismaayo waxaa lagu qabtay ayay dhacday in kursiga ay ku tartameen Cabdullaahi Aadan Shaacir iyo Mohamed Mukhtar Ibrahim oo u sharaxnaa.
Doorashadan oo laba jeer la codeeyay, waxaa labadii jeerba codka helay Maxamed Mukhtaar, laakiin waxaa dhacday Guddigii doorashada ay ku doodeen in codad dhowr ah xumaadeen oo lagu celinayo. Arintaas ayaa dhalisay buuqkeentay in doorashadii la joojiyo.
Doorashada ayaa la shaaciyay maanta 6 February 2017 in la qabtay, iyadoo ergada codeysay ay ahaayeen ergo ka socota beesha Gaaljecel oo dhan, halkii ay codeyn lahaayeen ergada jufada leh kursiga oo qura.
Nabadoon Iimaan Maxamed Xassan oo ah wakiilka ugaaska beesha ayaa sheegay inay tahay arintaan mid aan la aqbali karin. Guddiga Federaalka Hirgellinta Doorashada Dadban oo soo farageliyay arintaa ayaa sheegay in ergada ka imaan karto oo kaliya jufada iska leh kursiga, taasoo aan dhicin in lagu dhaqmo.
Doorashadii maanta waxaa xaadiray oo kaliya musharax Cabdullahi Adan Shacir oo keligiis loo codeeyay, laguna dhawaaqay inuu ku guuleystay 40 cod.
Goobjooge.com