Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu dooranayaa xildhibaanadii ugu danbeeyay labada aqal ee Baarlamaanka doorasho ka dhaceysa xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis.
Xildhibaanada maanta la dooranayo ayaa ah 4 xildhibaan oo min laba ay ka kala socoto Aqalka sare iyo Golaha Shacabka, waxaana u taagan musharixiin ka badan 10 oo afarta kursi ku loolamaya.
Maalinta Sabtida ah ayaa lagu wadaao in la dhageysto khudbadaha Musharaxiinta isku soo taagay xilka Guddoonka Aqalka Sare, iyadoo maalinta xigta ee Axada Taariikhduna ay ku beegan tahay 22-ka Bishan ay dhaceyso Doorashada.
Guddiga Doorashada ayaa lagu wadaa inay soo gabagabeeyaan doorashada xildhibaanada ee ka socotay magaalada Muqdisho, waxaan weli harsan 5 kursi oo ay isku heystaan beesha caalamka iyo madaxda Madasha Qaran.
Goobjooge.com