Waxaa magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo xalay ka dhacday nooc cuusb oo doorasho ah, iyadoo halkaasi laga qabanqaabiyey Hool, lana diyaariyey ergo iy oMusharxiinta la sheegay inay u tartamayaan kuraasta Baarlamaanka Federaalka ee taalla Gobolka Gedo.
Doorashadan oo ay abaabuleen maamulka Gobolka Gedo, Madaxtooyada Soomaaliya iyo xubno kooban oo ka mida Guddiyada FEIT iyo Xalinta Khilaafaadka ayaa waxaa gebi ahaan halkaasi ku sugneyn Guddiga Doorashada Jubbaland ee SEIT oo doorashadan ku qabtay Ceelwaaq.
Xubnaha la shaaciyey inay kusoo baxeen Doorashada la sheegay inay ka dhacday Garbahaarey ayaa kala ah:
1- Ducaale Aadan Maxamed ayaa ku soo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP119.
2- Cabdicasiis Xaaji Xasan ayaa kusoo baxay kursigii tirsigiisu yahay HOP100.
3- Cabdiraxamaan Maxamed Xuseen ayaa kusoo baxay Kursiga HOP078.
4- Isaaq Hoorow ayaa kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP091.
5- Bishaar Ugaas Ibrahim (Safiir ku xigeenka Soomaliya ee dalka Turkiga) ayaa kusoo baxay kursiga HOP065.
6- Axmed Buule Gareed (Guddomiyaha Gobolka Gedo) ayaa kusoo baxay kursiga HOP125
7- Maxamed Nuur Buule Dhaay ayaa kusoo baxay Kursiga HOP122
8- Cabdullahi Cabdi Maxamuud (Alankey) ayaa kusoo baxay kursiga HOP116
9- Nuur Xuseen Cali ayaa kusoo baxay kursiga HOP087.
10- Maxamud Cali Magan ayaa mar kale kusoo baxay Kursiga HOP123.
