Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Warklii ugu horeeyay ee rasmi ah kasoo saartay weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen Gobolka Afdheer oo ay ka dagaalamayeen muddo afar maalmood ah.
War kasoo baxay caawa Golaha Amaanka Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu sheegay in la soo afjaray kooxdii Argagixisada Alshabaab ee 4 maalmood ka hor duulaanka ka qaaday aaga “Aato” ee gashay Gobalka Afdheer, kadib markii ay Ciidamada Xooga Gaarka ee DDS ay ku hareereyeen aaga “Hulhul”, iyadoo la laayay dhammaan maleeshiyadii Alshabaab.
“Kooxdan Argagixisada Alshabaab ayaa ujeedkooda iyo damacoodu ahaa in ay galaan Deegaanka Oromiya iyagoo raba in ay sii maraan Dagmada Celkari oo ay ku biiraan kooxda argagixisada ee Shane” ayaa lagu yiri Warka DDSI oo ay warbaahinta maamulkaasi baahisay.
Waxaa sidoo kale warka lagu sheegay in Al shabaab iyagoo an gaarin halkii ay u socdeen laga gubay 13 Baabuur oo ay wateen, lagana qabtay dhamaanba Hub, isgaarsiin iyo Agabkii ay wateen. “Hawlgalka ay Ciidamada Xooga gaarka DDS ay qaadeen sadex dii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanayd Argagixisada Alshabaab”.
