Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in kulamo xasasi ah ay saacadihii ugu danbeeyay u socdeen Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, kadibna uu ku biiray Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Waxaa shirarkan looga hadlayaa magacaabista iyo shaacinta Golaha Wasiirada cusub, iyadoo muddo bil ah oo uu heystay Ra’iisa lwasaare Xamza Cabdi Barre ay uga harsan tahay 48 saacadood oo kaliya.
Wararka ayaa sheegaya in dhismaha xukuumada cusub uu dhib u dhac soo wajahay, taasoo ay ugu wacan tahay xubo aan weli la isku waafaqin iyo qorshe lagu doonayo inta aan Baarlamaanka la horgeynin in kalsooni loogu raadiyo wasiirada cusub.
Wasiirada cusub oo inta badan magacyadooda dibadda usoo baxeen ayaa laga cabsi qabaa inay caqabad kaso wajahdo ansixinta Baarlamaanka, waxaana dhowaan olole kalsooni raadin ah bilaabay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulan la yeeshay xildhibaanno kasoo jeeda K/Galbeed iyo Jubbaland.
Waxaa la filayaa in Ra’iisal wasare Xamza uu Golaha Shacabka ka codsado muddo 10 maalmood ah in loogu darro xilliga dhismaha xukuumadda cusub, si loo soo soo dhammeystiro Wadatashiga iyo magacaabisata wasiirada cusub.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii uu xilka la wareegay joojiyey dhammaan wixii qaabilaad ah siyaasiyiinta iyo xildhibaannada abada Gole, marka laga reebo ciddii uu isagu doonayo, taasoo ka dhigtay keentay inuu iska fogeeeyay dhammaan xubnihii xilal raadiska ahaa.
Arintan ayaa ka dhigan in tijaabadii ugu horeysay ay ku fashilmeen Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, iyagoo muddadii loogu talo galay ku dhisi waayey xukuumadda cusub oo dalku baahi weyn u qabay, maadama uu muddo sanad ka badan ku jiray xilgaarsiin iyo qalalaase doorasho.
