Dowladaha Masar iyo Soomaaliya oo kala saxiixday Heshiis [MOU] ku saabsan Maalgashiga

Dowladaha Somalia iyo Masar ayaa kala saxiixday heshiis is-faham ah oo ku saabsan dhaqaalaha iyo maalgashiga labada dal, kadib socdaal uu wasiirka Ganacsiga Somalia ku tegay dalka Masar.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya Eng, Cabdullaahi Cali Xassan iyo Wasiirada Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Masar, Saxar Nasar waxay qalinka ku duugeen Heshiiska Isfahamka Maalgashiga Wadajirka ee labada dal.

Ad

Heshiiska Istaraatijiyada Iskaashiga Maalgashiga ee Somalia iyo Masar waxaa lagu saxiixay magaalladda Qaahira, kadib markii la soo gebagebeeyey Shirweynihii Labaad ee Guddiyada Ganacsatada ee Labada dal ee ka socday Qaahira.

Munaasabadda saxiixa ee Heshiiskaasi waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha dalka Masar, Cumaru Nasaar iyo madax kale.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

129,498FansLike
1,256FollowersFollow
3,421FollowersFollow

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!