Jaamacadda Carabta oo Jabuuti ku taageeray tartanka Kursiga Golaha Amniga ee Q/Midoobay [Rajadii Kenya oo sii..]

Jaamacadda Carabta ayaa si buuxda u taageertay tartanka ay dowladda Jabuuti ugu jirto kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Amniga Q/Midoobay ee sanadka 2021-2022.

Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo ka qeyb galay shirkii Wasiirada Arrimaha Dibadda dalalka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in Jaamacadda Carabta ay Jabuuti ku taageertay tartanka ay ugu jirto inay ku guuleysato kursigan oo ay kula loolameyso dalka Kenya.

Ad

Bayaanka kasoo baxay shirkii 150-aad ee Wasiirada Arrimaha dibadda Jaamacadda Cartabta ayaa loogu baaqay dalalka Carabta inay taageeraan dowladda Jabuuti.

Jabuuti ayaa hore u shaacisay inaysan ka harin tartanka kursiga inkastoo cod loo qaaday oo ka dhacay Midowga Afrika ay Kenya uga adkaatay, waxaana hore Jabuuti tartankan ugu taageeray dalalka Islaamka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

129,498FansLike
1,256FollowersFollow
3,421FollowersFollow

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!