Sunday, July 6, 2025

Ra’iisal wasare Kheyre oo Lacag ku bixinaya dhismaha Garoonka K/Cagta ee Magaalada Xudur

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo socdaalkiis ugu horeeyay ku jooga magaalada go’doonsan ee Xudur oo ah xarunta Gobolka Bakool ayaa shaaciyey inuu lacag ku bixinayo dhismaha Garoonka Kubadda Cagta ee magaaladaasi.

Xaflad soo dhoweyn ah oo Xudur loogu sameeyay Ra’iisal wasaaraha ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Laftagereen), Mas’uuliyiinta Maamulada degmooyinka Gobolka Bakool, ururrada dhalinyarada degmada iyo qeybaha bulshada, wuxuuna ra’iisal wasaare Kheyre uu shaaciyey in degmada Xudur laga fulin Doono Mashaariic Hormarineed Beesha Caalamka iyo Dowladda Soomaaliya ay iska kaashan Doonaan.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa lacag dhan 150-kun oo Doollar ugu u yaboohay Dib u dhiska Garoonka kubadda Cagta Dr. Waaberi ee Degmadaasi Xudur oo burbur weyn uu gaaray, wuxuuna garoonkan ka mid noqday liiska dheer ee Ra’iisal wasaaraha uu dhaqaalaha ku bixinayo dhismaha Garoomada ciyaaraha ee magaalooyinkii uu booqday.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON