Saturday, June 28, 2025

Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka oo War kasoo saaray Qarixii ka dhacay Magaalada Muqdisho

Dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa cambaareeyay Qarixii  dadka badan ku dhinteen ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

War ay soo kala saareen Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalalka  Boqortooyada Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ay baahiyeen Wakaalada wararka labada dal ayaa si weyn loogu canbaareeyay falka argagixiso ee ka dhacay caasimadda Soomaaliya, waxayna ku tilmaameen mid waxashnimo ah oo lagu waxyeeleeyay dad rayid ah.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa waaxaa tacsi loogu diray dhammaan ehelada dadkii ku naf waayay qaraxaasi, wuxuuna Sacuudigu sheegay inuu xoojinayo taageerada Dowladda Soomaaliya

Mas’uul u hadlay asaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta ayaa si xoogan u cambaareeyay qaraxan, iyadoo beesha caalamka ugu baaqay in Soomaaliya laga taageero dagaalka ay kula jirto argagixisada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON