Wasiirada Arrimaha Dibadda dallaka Soomaaliya iyo Masar Axmed Ciise Cawad Saami Shukry oo wadahdal ku yeeshay magaalada Qaahira ayaa kala saxiixday heshiisyo iskaashi iyo wadatashi diblomaasiyadeed ah.
Labada dhinac ayaa ka wadahadlay xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar iyo sidii loo xoojin lahaa, si u adeegeysa danaha labada dal , iyadoo ay kala saxiixdeen saddex heshiis oo kala ah”
1- Abuuridda hab wadatashi siyaasadeed oo heer wasiir arrimo dibadeed oo labada dal ah.
2- Dhismaha Guddi wadaag ah oo ay hoggaamiyaan labada wasiir arrimo dibadeed
23 iyo iskaashiga labada Machad ee daraasaadka diblomaasiyadda Soomaaliya iyo Masar.




