Wednesday, July 16, 2025

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kala saxiixday heshiis ku saaban Duulista Hawada

Dowladaha Sacuudiga iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan heshiis ku saaban iskaashiga Duulista hawada ee labada dal.

Heshiiskan ayaa waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaAhi Salaad (Oomaar) , halka dhinaca Sacuudiga uu u saxiixeen  Wasiirka Gaadiidka ee  Boqortooyada Saudi Arabia  Nabeel bin Mohammed Alamudi iyo  madaxa Shirkadda Saudi Airlines.

Wasiir Oomaar ayaa Dalka sucuudida ugu qeyb galay Shirka Aasaaska Amniga Hawada Dawladaha Carabta  (Regional Aviation Safety Oversight Organisation) kaasoo ay dowladaha xubnaha ka ah ay iska kaashanayaan bed-qabka diyuuradaha isticmaala hawada dalalkaasi.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen wasiirka Gaadiidka iyo  Duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Mohamed Abdullahi Salaad  iyo  Wasiirka Gaadiidka ee  Boqortooyada Saudi Arabia  Nabeel bin Mohammed Alamudi iyo  madaxa Shirkadda Saudi Airlines ayaa  lagu heshiiyey iskaashi dhex mara labada dal iyo sidii shirkadda Saudi Airlines loogu furi lahaa khadka hawada Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya iyo  Wasiirka Gaadiidka ee  Boqortooyada Saudi Arabia  Nabeel bin Mohammed Alamudi ayaa ugu dambeyn labada dowladood u kala saxiixay heshiis ku saabsan iskaashi dhinaca duulista Hawada labada dal.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON