Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku heshiiyey in la kordhiyo tirada Soomaalida loo qoondeeyay sanad kasta inay xajka tagaan, iyadoo lagu daray 2200 xaaji.
Heshiiskan ayaa yimid kadib wadahadal dhex maray Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo booqasho ku jooga Sacuudiga iyo Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga Dr. Maxamed Salalax Bin Dahir Bintin.
Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku hishiiyay in tirada dadka soomaaliyeed ee sanadka soo socda xajin doona lagu daro, Labo kun iyo Labo Boqol (2,200) oo xaaji, taas oo ka dhigan in tirada xujayda Soomaalida sanadkan noqota Kow iyo Toban kun iyo Shan Boqol (11,500 ) oo Qof, halka sanadkii hore ay aheyd, Sagaal kun iyo Sedex Boqol (9,300 ) oo Qof, sida uu sheegay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS.
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Xildhibaan, Sheekh Nuur ayaa sidoo kale sheegay in la isla-gartay in aad loo wanaajiyo adeegyada la siiyo Soomaalida, sida deegaannada gaadiidka iyo cunnada intaba, iyadoo lagu ballamay in lada-dajiyo soo saarista Fiisayaasha xajka iyo adeegyada kale ee xajka.