Tuesday, October 4, 2022

Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday laba heshiis oo kala duwan [Sawirro]

Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday laba heshiis oo ku saabsan horumarinta shaqaalaha iyo shaqo-abuur loo sameynayo dadka ku nool Muqdisho.

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya Saadiq Warfaa iyo Safiirka Talyaaniga ua fadhiya Soomaaliya Carlo Campanille ayaa kala saxiixday labada heshiis. Waxaana heshiisyada lagu hormarinayaa shaqaalaha rayidka dowladda Soomaaliya iyo shaqo abuur loo sameyso 1,000 qof; waxaa sidoo heshiisyada saxiixooda goobjoog ka ahaa madaxa horumarinta iyo iskaashiga ee dowladda Talyaaniga Guglielmo Giordano oo Muqdisho ku sugan.

“Maanta waxaan saxiixnay oo dowladda Talyaaniga nagu caawisay 2 Milyan oo Euro oo ay dowladda Soomaaliya hirgalinayso iydoo 1,000 qoys lagu meeleyn doono, kuwaasoo ah oo dadka liita. 1000-ka qoys waxaan ku billaabi doonaa magaalada Muqdisho, kadibna dalka oo dhan ayaan gaarsiin doonaa, waana qeybtii labaad ee hirgalinta ah”. ayuu yiri wasiir Warfaa oo intaas raaciyey in heshiiska labaad ay ku baxayso 750,000 Euro oo loogu talagalay sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadda dadka shaqaalaha.

Ad

Dowladda Talyaaniga ayaa heshiiska ay ku bixineyso 2 Milyan oo Euro wuxuu qeyb ka yahay wejiga labaad ee barnaamijka ka hortagga faqriga, waxaana fulinaya hay’adaha Qaramada Midoobay, halka deeqda labaad ee ay ku baxeyso 750-kun ee Euro uu yahay barnaamij kale oo lagu xoojinayo nabadda, kasoo ay fulineyso hay’adda ILO iyo FESTU.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,003FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,003FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON