Sunday, May 29, 2022

Dowladda Burundi oo Qiratay in Askar badan looga dilay Weerarkii Alshabaab ee CeelBaraf

Dowlada Burundi ayaa ka hadashay qasaaraha ciidamada jooga Soomaaliya ee ka tirsan Howlgalka Midwoga Afrika ee ATMIS kasoo gaaray weerarkii ay shalay Alshabaab ku qaadeen saldhigooda degaanka CeelBaraf ee Gobolka Sh/Dhexe.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Burundi oo an magaciisa la shaacin ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in 30 askari liiga dilay weerarkii Ceelbaraf, isla markaana 22 askari oo kale lagu dhaawacay, wuxuuna intaas ku daray in la la’ yahaytobaneeyo kale oo dagaalka kadib la waayey.

Howlgalka AMTIS ayaa diyaarado Helicobtar ah u diray degaanka oo soo daad gureeyay ilaa 20 askar dhaawac ah, waxaana weli qasaaraha dagaalka arrintan ka hadlin dowladda Federalka iyo ATMIS.

Ad

Wararka laga helayo Burundi ayaa sheegaya in ku dhawaad ​​400 oo dagaalyahano oo Al-Shabaab ka tirsan ay dhowr jiho ka galeen Saldhiga, kadib markii ay qarxiyeen labo baabuur oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Alshabaab ayaa sheegtay inay weerarka ku dishay 173 askari, tiradaas oo aan weli ka xaqiijin, laakiin waxaa halkaasi ka dhacay mid ka mid weerarradii ugu qasaaraha badnaa, kadib weerarkii Ceelcadde ee Gobolka Gedo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,001FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,000FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!