Tuesday, June 24, 2025

Dowladaha Faransiiska & Germany oo Safiirro cusub u soo magacaabay Soomaaliya (Sawirro)

Dowladda Faransiiska ayaa safiir cusub u soo magacawday Soomaaliya, iyadoo maanta waraaqaheeda aqoonsiga uu ka guddoomay wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiiradda cusub ee Faransiiska u soo magacaabay Soomaaliya haweeneyda lagu magacaabo Aline Kuster-Menager.

Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo iskaashiga ka dhaxeeya, waxaana lagu wadaa in waraaqaheeda Aqoonsiga uu ka guddoomo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Dhinaca kale wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Jarmalka u soo magacaabay Soomaalya haweeneyda lagu magacaabo Annett Günther.

Safiiradda Germany ayaa sheegtay in dowladdeedu ugu diyaar tahay inay xoojiso xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON