Thursday, April 18, 2024

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay Danjireyaasha cusub ee dalalka Faransiiska iyo Jarmalka (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Faransiiska iyo Jarmalka.

Danjiraha cusub ee dalka Faransiiska Aline Kuster-Menager ayaa Madaxweynaha u gudbisay farriiin ay uga sidey Madaxweynaha Dalkeeda Mudane Emmanuel Macron, waxayna tilmaamtay in dalkeedu uu kaalin ka qaadanayo dhammaystirka dadaallada cafinta daymaha lagu leeyahay Soomaaliya iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjire Annette Gunthe si ay dalkeeda Jarmalka ugu matasho Soomaaliya, isagoona kula dardaarmay in ay sii xoojiso xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal.

Ad

Danjire Gunthe ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka taageeri doonaan kobcinta xirfadaha iyo barashada farsamada gacanta, taas oo lagu xoojinayo fursadaha shaqo ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

Image may contain: people standing

- Advertisement -

Image may contain: one or more people, people sitting and indoor

Image may contain: one or more people, people sitting and indoor

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON