Sunday, July 13, 2025

Dowladda Federaalka oo ogolaatay inay ka qeyb gasho Shirka khilaafka Doorashada ee ka dhacaya Afisyoone

Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta ayaa shaacisay inay diyaar u tahay ka qeybgalka shirka Wadatashiga ee xalinta khilaafka Doorashada oo ka dhacaya xarunta Afisyoone.

Shir jaraa’id oo uu goor dhoweyd ku qabtay Muqdisho Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Dubbe ayuu ku sheegay in dowladdu diyaar u tahay ka qeyb galka shirka wadatashiga meel kastoo uu ka dhacayo, shirkuna uu dhici doono Isniinta iyo Talaaladda.

Wuxuu dhaliilay Madasha Badbaado Qaran ee ay sameysteen maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland, Siyaasyiinta Gobollada Waqooyi iyo Midowga Musharixiinta, isagoo ku tilmaamay ‘Doorasho la dirir’ iyo ‘Doorasho diid’.

“Dowladdu waxay diyaar u tahay meel kasta, xitaa badda dhexdeeda haddii la yiraahdo halagu shiro waan tegeynaa..” ayuu yiri Wasiir Dubbe oo sheegay in la joogo xilligii Doorasho la aadi lahaa, ayna kulmi doonaan madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada, iyadoo lagu dul shaqeynayo heshiiskii Doorashada ee 17 September 2020.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON