Saturday, April 20, 2024

Dowladda Federaalka oo shaacisay Tirada Alshabaab laga dilay wejiga koowaad ee Dagaalka..

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay tirada Alshabaab looga dilay wejiga koowaad ee dagaalka Alshabaab ee ka socday Maamul Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo xalay ka hadlay bandhigga waxbqadka xukuumadda in wejiga koowaad ee howgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-shabaab ay ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada dadka deegaanka ay dileen 3,000 oo Al-shabaab ah.

Waxa uu sheegay in sidoo kale ku dhawaad 3,700 oo kale looga dhaawacay dagaallo ka dhacay deeganno ka tirsan maamul goboleeyada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Ad

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in u jeedka ugu weyn ee howlgalkan uu ahaa in la isku furo degmooyinka waddanka, wuxuuna sheegay in wadada isku xirta Muqdisho iyo Gaalkacyo oo 575 kiilo mitir ah ka ka mid tahay waddooyinka sida caadiga hadda loogu safri karo.

Tirada Alshabaab looga dilo duqeynta iyo dagaalka tooska ah ayaa si weyn la isugu khilaafay, waxayna saraakiisha iyo madaxda dowladda ay si joogto ah u shaaciyaan boqolaal laga dilay Alshabaab, iyadoo aanay jirin cid xaqiijin karta, sheegashada labada dhinac.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON