Monday, June 23, 2025

Dowladda Imaaraadka oo Puntland gaarsiiyey Sheybaar & Qalab Caafimaad oo loogu talogalay Coronavirus

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa deeqdii labaad ee Qalab caafimaad ah gaarsiiyey maamul Goboleedka Puntland, iyadoo diyaarad qalabkaasi sida ay shalay ka degtay Garoonka magaalada Boosaaso.

Qalabka Caafimaad ee Imaaraadku ugu deeqay Puntland ayaa ka kooban qalabka ay dhaqaatiirtu xirtaan (PPE), Maasgaro, Sheybaar Casri ah iyo qalab kale oo loogu talogalay ka hortagga cudurka Covid-19.

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa sheegay in sheybaarka cusub lagu rakibi doono magaalada Boosaaso, iyadoo qalabka kale loo qeybin doono degaanada Puntland, wuxuuna si weyn ugu mahadceliyey dowladda Imaaraadka Carabta oo xiriir gaara la leh maamulka Puntland.

Ad

Somaliland iyo Puntland ayaa Dowladda Imaaraadka ka helay deeq caafimaad oo loogu talogalay ka hortagga cudurka Coronavirus.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON