Monday, July 14, 2025

Dowladda Ingiriiska oo maamul Goboleedyada Soomaaliya si kala gaara ugu casuuntay shirka London

Dowladda Ingiriiska ayaa si toos ah ugala hadleysa madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya arrimaha shirka caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya, kana dhici doona magaalada London.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowlada ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Divid Concar oo ugu yeeray xarunt safaaradda UK ee Muqdisho.

Kulankan oo ahaa kii u horreeyay oo ay yeeshan Madaxweynaha maamulka Jubbaland iyo Danjiraha Cusub ee UK ayaa looga hadlay Xaaladda abaaraha ee Soomaaliya gaar ahaana Jubbaland iyo sidii Dowladda Ingiriisku ay gacan uga gaysan lahayd gurmadyada socda.

Dhinaca Siyaasadda ayay sidoo kale Mas’uuliyiintu ka wada hadleen sidii loo tageeri lahaa Dowladda cusub ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi “Farmaajo”.

Safiirka  Ingiriiska ayaa maamulka Jubbaland u gudbiyay codsiga dowladda Ingiriiska ee ah inuu maamulkooda ka qeyb galo Shirka London ee horaanta Bisha May ka furmaya Magaalada London.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaarihiisa ayaa dadaal ugu jira in Soomaaliya shirkaasi uga qeyb gasho hal wafdi oo mideysan isla markaana wata hal qorshe iyo baahi qura oo ka tarjumeysa qorsha dowladda Federaalka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON