Dowladda Ingiriiska ayaa si kulul uga hor timid muddo kororsigii Aqalka Hoose ee Baarlamaanka u sameeyay Maxamed Farmaajo, waxayna sheegeen inay si weyn uga naxeen arrintaasi.
Qoraal uu soo saaray Wasiirka Afrika u qaabilsan UK James Duddridge ayaa lagu caddeyay inay aad uga xun yihiin go’aanka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya uu labo sano ugu kordhiyay Maxamed Farmaajo xilka Madaxweynaha iyo kan Baarlamaanka Soomaaliya.
“Waa talaabo hoos u dhigeysa kalsoonida lagu qabo hogaaminta Soomaaliya isla markaana qatar ku ah badbaadada iyo mustaqbalka dadka Soomaaliyeed. Waxaan si isdaba joog ah uga soo horjeednay dadaal kasta oo horseed u noqda geedi socod is barbar socda, doorasho qeyb ah ama kordhinta howlaha horyaala” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiir James Duddridge.
Wuxuu codsadaay in madaxda Soomaaliya ay ka waantoobaan ficil kasta oo dheeri ah oo kicin kara xiisadaha siyaasadeed ama rabshadaha. “Waa muhiim in dhammaan dhinacyada ay isdajiyaan oo ay ilaaliyaan xasilloonida iyo amniga Soomaaliya. Wadahadalka wax ku oolka ah ee u dhexeeya madaxda Soomaalida ayaa lafdhabar u ah xaqiijinta dhaqan gelinta heshiiskii 17kii Sebtember ee qaabka doorashada.”
“Heshiiska Doorashada 17-Septemer waa aasaaska kaliya ee sharciyeysan ee doorashooyinka. Hadda waxaa la joogaa xilligii madaxda Soomaaliya ay eegi lahaayeen wixii ka baxsan danaha gaarka ah ee gaarka ah oo ay dhowraan mas’uuliyadda ka saaran dadka Soomaaliyeed” ayuu war-saxaafadedkiisa ku yiri kali ah
Wasiirka Afrika u qaabulsan UK kali ah wuxuu ka dalbaday hoggaamiyaasha Soomaaliya inay si degdeg ah ugu laabtaan wadahadalada si loo helo xal wax ku ool ah isla markaana heshiis looga gaaro arrimaha harsan, iyadoo la muujinayo is xakameyn iyo tanaasul.
War-saxaafadeedka ayaa lagu soo gabgabeeyay: “Maaddaama aanu hadda jirin is-afgarad horseedaya doorasho loo wada dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo in la qabto iyada oo aan dib loo dhigin, xiriirka Beesha caalamka iyo hoggaanka Soomaaliya ayaa is beddeli doona. Boqortooyada Midowday (UK) waxay la shaqeyn doontaa saaxiibadeeda caalamiga ah qaab mideysan oo dib loogu qiimeeyo xiriirkeena iyo nooca tageerada aan siino Soomaaliya”
