Saturday, July 31, 2021

Dowladda Itoobiya oo Agaasimaha Hay’adda WHO ku eedeysay inuu la shaqeynayo Jabhadda TPLF, lana xiriiray…

Dowladda Itoobiya ayaa ku eedeysay agaasimaha Hay’adda Caafimaadka Adduunke ee WHO inuu ku howlan yahay sidii uu taageero diblomaasiyadeed iyo milateri ugu heli lahaa jabhadda TPLF ee Itoobiya.

Sida laga soo xigtay mas’uul ka tirsan dowladda Itoobiya agaasimaha Hay’adda WHO Tedros Adhanom oo kasoo jeeda Tigray wuxuu dunida oo dhan taageero uga raadinayaa Jabhadda TPLF ee dagaalka kula jirta dowlada Itoobiya, isagoo Hay’adaha Q/Midoobay ku qalqaaliyey inay cadaadis saaraan dowlada Itoobiya si ay u joojiso dagaalka Gobolka Tigree.

Tedros ayaa sidoo kale la sheegay inuu xiriir la sameeyay dalka Masar si ay taageero milateri u siiso jabhada TPLF, isla markaana uu xiriiro la sameeyay dalalka Bariga Afrika si ay u taageeraan Jabhada TPLF, isla markaana ay Itoobiya arrintaasi u sheegeen dalalkii uu la xiriiray qaarkood.

Ad

Itoobiya ayaa lagu wadaa inay akhtako ka dhan ah Agaasimaha Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO u gudbiso Q/Midoobay, waxayna Itoobiya la socoay dhaqdhaqaaqa uu dunida ka wado intii ay bilaabatay colaadda ka taagan Gobolka Tigray.

Itoobiya oo guud ahaan ciidamada ka nadiifisay saraakiisha kasoo jeeda Gobolka Tigray, ayaa hadda bilowday inay olole ku qaado mas’uulka heer caalami ee dadka Tigray-ga kasoo jeeda oo hadda haya Hay’adda Caafimaadka Adduunka, iyadoo aan la xaqiiqada arrintan.

- Advertisement -
- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

159,384FansLike
2,430FollowersFollow
5,845FollowersFollow
159,384FansLike
2,430FollowersFollow
5,845FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!