Tuesday, July 8, 2025

Ilhan Cumar oo joojisay xiriirkii shaqo ee kala dhaxeeyay Shirkadda uu leeyahay Saygeeda Caddaanka ah

Warbaahinta Mareyanka ayaa hadal heysa war ku saabsan in Ilhaan Cumar oo dhowaan dib loogu doortay Aqalka Wakiillada Mareykanka oo joojisay xiriirkii shaqo ee kala dhaxeeyay Shirkadda la talinta Siyaasadda ee uu leeyahay ninka ay is-guursaeen ee caddaanka ah Tim Mynett.

Ilhaan ayaa Axaddii toddobaadkan qaadatay go’aanka ay xiriirka dhaqaale ugu jartay shirkadda EStreet Group, oo uu leeyahay seygeeda Tim Mynett, sida ay qortay wakaalada wararka AP iyo wargeysyo fara badan, iyadoo go’aankaasi u sabab uga dhigtay si ay taageerayaasheeda ugu caddeyso in aysan jirin arrin gaar ah oo kala dhaxeysa shirkaddaas.

Farriin Email ah oo Ilhaan Cumar ay u dirtay taageerayasheeda waxaa ka mid ahaa: “Waxaan go’aansannay inaan baabi’inno qandaraaskii aan kula jirtay shirkadda Tim iyo Will. Halka taageerayaal badan oo aan isu dhownahay, si fiicanna u yaqaanna labadaas ay soo jeedinayaan inaan la sii wadno wada shaqeynta – Anigu waxaan doonayaa inaan qof walba oo taageersan ololaheenna, waqti iyo dhaqaalena ku bixiya u xaqiijiyo inaysan jirin cillad ku jirta taageeradaas.”

Arrintan ayaa timid markii Ilhaanshirkadda la-talinta EStreet Group ay kala qeybsadeen lacag ku dhow $3 milyan oo doolar. Ololaha Ilhaan ayaa ahaa macmiilka ugu weyn ee shirkadda uu leeyahay saygeeda Tim Mynett, wuxuuna soo tabiyay inuu sanadkan gidihiisa oo kaliya shirkaddan siiyay ilaa $1.1 milyan oo doolar, oo loogu sameeyay xayeysiimo iyo la talin dhinaca siyaasadda ah.

Ilhaan Cumar ayaa bishii March ee sanadkii lasoo dhaafay guursatay la taliyaheedii dhinaca siyaasadda, Tum Mynett, markaasoo ay shirkaddiisana isbahaysi la lahayd muddo dheer, kan caawi jiray ololayasha doorashada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON