Dowldda Itoobiya ayaa deeq waxbarasho siiday shaqaale ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoo Munaasabad lagu sagootinayay 22 dhaliyaro ah oo ka kala socotay hay’adaha kaladuwan oo ku sii jeeday daalka Itoobiya gaar ahaan Jaamacadda shaqalaha dowladda itoobiya 2019/2020 maanta lagu qabtay Muqdisho.
Munaasabadda ardayda lagu sagootinayay Waxaa ka qeybgalay Wasiiru Dowlaha wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir, mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada Safiirka Ethiopia ee soomaaliya Amb. Jamaludin Mustafa iyo marti sharaf kale oo lagu casumay.
Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaludiin Mustaf ayaa shegay in dowladda Itoobiya aya diyaar u tahay kordhinta deeqaha waxbarasho ay siiso ardayda Soomaaliyeed.
Wasiiru dowlaha Waxbarashada waxbarashada C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir,ayaa uga mahadceliyay dowladda Itoobiya deeqdan waxbarasho ay siiso ardayda Soomaaliyeed.
“Waxaan maanta xaflad sagootin ah u samaynay qaar ka tirsan Shaqaalaha Dowladda oo Deeq waxbarsho ka helay Dalka Ethiopia gaarin ahaan jaamacadda shaqalaha dowladda itoobiya 2019/2020.
Xafladda waxaa ugu wahelinayay Safiirka Ethiopia ee soomaaliya Amb. Jamaludin Mustafa iyo xubno ka tirsan wasaaradda waxbarashada.
Wasaaradda waxbarashada Hiddaha Iyo Tacliinta sare XFS,mar walba waxa ay ahmiyadda Koabaad siineysaa Horumarinta waxbarashada ardayda Soomaaliyeed.



