Saturday, July 5, 2025

Dowladda Itoobiya oo Heshiis Milateri la saxiixatay Ruushka iyo dhinacyada laga taageerayo

Dowladda Itoobiya ayaa heshiis milatari la saxiixtay Ruushka, kadib wadahadal labada dal muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Addis ababa.

Ruushka ayaa ka taageeri doona Milatariga Itoobiya xirfadaha dagaalka iyo Qalabka, waxaana heshiiska uu dhigayaa in Ruushku kor u qaado awoodda difaac iyo weerar ee ciidamada Itoobiya iyo farsamada ciidamada Itoobiya.

Wasiiru dowlaha qeybta maaliyada ee Ciidamada difaaca Itoobiya Martha Liwij ayaa sheegtay in heshiiskan uu yeelan doono ahmiyad aad u weyn si loo xoojiyo xiriirkii soo jireenka ahaa ee ka dhaxeeyay labada wadan.

Heshiiska ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sidii loo badali lahaa awooda ciidamada difaaca qaranka [Ethiopia] dhanka aqoonta, xirfada iyo tignoolajiyadda, ”ayaa lagu yiri qoraalka. Ruushka ayaa muddo dheer ka mid ahaa dalalka Itoobiya u siiya Qalabka militariga.

Itoobiya oo khilaaf xoog leh kala dhaxeeyo dalalka Mareykanka iyo Yurub ayaa dhowana u wareegtay dalalka Ruushka iyo Shiinaha, waxaana heshiiskan uu imaanayaa xilli xasaasi u ah Itoobiya oo xaalad adag uga furan tahay Gobolka Tigray, dhinaca kalena ay cadaadis milateri ku hayaan dalalka Masar iyo Sudan oo ay isku hayaan biyo xireenka weyn ee Itoobiya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON