Thursday, April 18, 2024

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun culus ku riday Ninkii ku caan baxay dhaca Dumarka iyo kaaliyihiisa

Maxkamadda Ciidamada Qalabka ayaa Maanta xukun ku riday Ninkii ku caan baxay Dhaca Dumarka, oo qirtay inuu ilaa 30 jeer dhac u geysay Dumarka.

Cabdifitaax Cali Cumar oo ku howlgeli jiray Gaari nooca raaxada aya si farsameeysan dadka uga dhici jiray Mobeelada iyo agabka, siiba dumarka, waxaana ka caawin jiray howsha dhaca ah ninka lagu magacaabo Nuur Cali Xasan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in raggaan uu ku cadaaday dabiyada lagu soo eedeeyay, waxaana Cabdifitaax Cali Cumar lagu xukumay 10 sano oo Xabsi Ciidan ah, halka Nuur Cali Xasan lagu xukumay 2 sano oo Xabsi Ciidan ah.

Ad

Cabdifitaax Cali Cumar oo Maxkamadda ka hor sheegay in sida farsameysan ee uu dadka u dhici jiray inuu kasoo guuriyay Filim Hindi ah oo uu daawaday, isagoo faahfaahiyey qaabab cajiib ah oo Dumar uu Telefoonada uga dhici jiray, isagoo qorshooyin dhowr ah u sheegi jiray.

Labada nin ee xukunka maanta lagu riday ayaa si weyn loogu hadal hayey baraha bulshada, waxaana la siiyey muddo 30 Cisho oo ay racfaan qaadan karaan xukunka lagu riday.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON