Dowladda Itoobiya oo magaalada Addis ugu yeertay Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Cabdi Iley

Golaha Dhexe ee xisbiga ka taliya Degaanka Soomaalida ayaa looga yeeray magaalada Addis Ababa, kadib markii dowladda federaalka lasoo xiriirtay, waxaana halkaasi gaarey in ka badan 40 xubnood oo ka mid ah golaha dhexe ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya.

Xisbigan oo ah midka ka arrimiya deegaanka Soomaalida ayaa maalmihii u dambeeyay ka biyo diidanaa Addis Ababa oo looga yeeray. Arrintaas ayaa timid ka dib markii faderaalku uu la tagay madaxweynihii hore ee deegaanka oo ilaa hadda lagu hayo magaalada Addis Ababa.

Waxaa la xaqiijiyay in aysan la soconin Golaha dhexe saddex xubnood oo labo ka mid ah la sheegay in looga maarmi waayay in ay hawlaha dawladda sii kala wadaan.

Ma cadda waxa ka soo bixi doona kulanka ay magaalada Addis ku yeelanayaan Golaha dhexe ee XDSHSI iyo dawladda faderaalka, dadka arrimahan ka faaloodase waxay sheegayaan in ay u badan tahay in ismariwaaga lagu soo afjari doono.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

107,629FansLike
501FollowersFollow
2,246FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

107,629FansLike
501FollowersFollow
18FollowersFollow
2,246FollowersFollow

TOP NEWS

Wararkii Maanta

error: Content is protected !!