Dawladda Itoobiya ayaa shaacisay inay diashay saddex ka mida madaxda sare ee hoggaamiyeyaasha Al Shabaab, kadib weerar culus oo maanta ka dhacay degaanka Caato ee Gobolka Bakool iyo duqeyn ay fuliyeen ciidamada Itoobiya.
Wakaalada wararka Itoobiya oo soo xigatay Jen. Tesfaye Ayaleh oo ah madaxa ciidamada difaaca iyo Howlgallada Sirdoonka Itoobiya ayaa shaacisay in hoggaamiyeyaasha la dilay ay kala yihiin:
1- Fu’aad Maxamed Khalaf [Shangole] oo ahaa Madaxa abaabulka iyo Tashkiilinta kooxda Alshabaab.
2- CabdulCasiis AbuMuscab oo ahaa afhayeenka kooxda Al Shabaab ee dhinaca Howlgalada.
3- Cubeyda Nuur Ciise oo ahaa masuulkii Alshabaab u qaabilsanaa Abaabulka xuduudka Itoobiya iyo Gobolka Bakool.
Jeneral Tesfaye Ayalew ayaa sidoo kale sheegay in la burburiyey bakhaaradii hubka ay kooxda Alshabab ku kaydisay ee ay dooneysay inay ku weerarto Itoobiya, ayna weerarka wadajir u qaadeen Ciidamada DDS iyo Ciidamada Federaalka Itoobiya oo kaashaday ciidamada cirka.
Ma jirto cid madax bannaan oo xaqiijisay sheegashada Itoobiya, waxaana weli xiisad milateri ka jirtaa xuduudka Gobolka Bakool, iyadoo Alshabaab ay dhinaceeda sheegatya inay dagaakii maanta ku disgay in ka badan 100 ka mida ciidmda Liyuu Booliska.

