Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba ayaa sheegaya in diyaarado sida shixnado hub ah ay maalmihii ugu danbeeyay ka degayeen magaaladaasi.
Hubkan ayaa la sheegay in diyaarad ay leeyihiin ciidamada Itoobiya geysay laba jeer magaalada Kismaayo, waxaana hubka isugu jiraa saanad hub waaweyn iyo rasaas.
Lama shaacin cidda hubkan loo wado iyo sababta xilligan ku soo beegtay inay Itoobiya hub fara badan geyso magaalada Kismaayo, laakiin saraakiisha milateriga ee ku sugan Kismaayo ayaa sheegay inuu jiro qorshe dagaal oo loo diyaarinayo in lagu qaado Alshabab.
Hubkan qaarkiis ayaa la rumeysan yahay in la siin doono ciidamada maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe hogaamiyo.
Itoobiya ayaa ciidamo ay ku biirisay AMISOM ay ka joogaan magaalada Kismaayo, waxaana ay howlgallo kooban ka sameeyeen dhowaan duleedka magaalada Kismaayo.
Goobjooge.com