Qoraal ka soo baxay Safaaradda dowladda Jabuuti ee magaalada Muqdisho maanta ayaa lagu sheegay in shacabka iyo dowladda Jabuuti ay aad uga naxeen hadalkii ka soo yeeray madaxweynaha Soomaaliya intii uu booqanayey magaalada Asmara ee ahaa inuu Q/Midoobay ugu baaqay inay cunaqabteynta ka qaadaan dalka Eritrea.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in Eritrea ay laga soo bilaabo sanadkii 2009 nabadgelyo iyo xasilooni darro ku heysay dalalka deriska la ah, iyadoo taageereysay ururka aragagixisada ah ee Alshabaab iyo muranka xuduudka ee ay ku jirto dalka Jabuuti.
“Soomaaliya waa dowlad xor ah, shakina kuma jiro inay xaq u leedahay xiriir diblomaasi oo ay la yeelato dalalka Gobolka, haddana ma aha wax la aqbali karo in walaalaheen Soomaaliyeed inay taageeraan Eritrea oo heysata dhul ay leedahay Jabuuti, welina diidan in heyso maxaabiis Jabuutiyaan ah…” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka ka soo baxay Safaaradda Jabuuti ee magaalada Muqdisho oo ahaa mid aad u kulul.
Qoraalka safaaradda Jabuuti ee Muqdisho ayaa muujinaya in dowladda dalkaasi ay si weyn uga carootay socdaalkii Madaxweyne Farmaajo ku tegay Asmara iyo baaqiisii ahaa in cunaqabateynta laga qaado dalkaasi, waxaana qoraalka lagu sheegay inay habooneyd in madaxweynaha Somalia uu soo hadal qaado dhibaatada u dhaxeysa dalalka Jabuuti iyo Eritrea.
Waxaa kaloo safaaradu ku eedeysay dowladda Soomaaliya inay si indho la’aan ah u taageertay Eritrea iyadoo aan wax qiime ah la weydaarsan. “Uma dulqaadaneyno wadahadalka damqashada lahayn xilli ay ciidamadeena halkan u joogaan inay difaacaan nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya.